Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay, dagaallada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka wadaan gobalka Hiiraan.
Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa qiray in xubno badan looga laayay dagaalladii ka dhacay duleedka degmada Moqokori, isagoona xusay in mid kamid ah saraakiishii ka badbaaday dagaalladaas firxadna ku galay Muqdisho uu usheegay, in xaaladda ka taagan duleedka Moqokori ay tahay mid adag, goobo muhiim ahna ay qarka usaaran yihiin iney ganactooda ka baxaan, wuxuuna Sanbaloolshe ku cataabay inaan dagaalka lagu fiirsan.