Sanad buuxa ayaa kasoo wareegay, markii ay Yahuuddu dishay, hogaamiyihii garabka millatari ee Muqaawamada Falastiin, Muxamad Ad-Deyf, kaas oo mudadii uu hogaamiyaha ahaa ay Yahuuddu la kulantay weerarro waayn oo dhagta dhiigga loogu daray askar iyo saraakiil Yahuudd.
Muxamad Ad-Deyf oo lagu kunyeeyo Abuu Khaalid, waxa uu muqaawamada Falastiin ku biiray sanadkii 1987-kii, waxa uuna kamid ahaa aas-aasayaashii garabka millatari ee muqaawamada Falastiin ee lagu magacaabo Cizzudiin Al-Qassaam illaa uu noqday hogaamiyaha ugu sarreeya ee garabkaas sanadkii 2002, waxa uuna Ad-Deyf mas’uul ka ahaa in Daanta-galbeed lagu baahiyo halganka hubeysan ee looga soo horjeedo Yahuudda, isagoo hogaamiyay camaliyaat nafhurnimo oo ka dhacay gudaha Filastiin iyo Daanta-galbeed, kuwaasoo lagu dilay tobanaan Yahuud ah.
Muxamad Ad-Deyf waxa uu sidoo kale ahaa hogaamiyaha masuulka ka aha abaabulka iyo qorsheynta weerarkii Dhuufaanul Aqsaa ee dhacay 07-da October sanadkii 2023-ka, isagoona xiligaas tilmaamay, in weerarkan lagu difaacayo masjidul Aqsaa, loogana jawaabayo xadgdubyada Yahuudda oo ay kamid ahayd aflgaadeynta Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.
Waxa uu hormariyay awoodda muqaawamada ee wax soo saarka gantaallada iyo istiraatiijiyadda godadka dhulka hoostiisa, isagoo ku guulaystay, in garabka millatari ee muqaawamada Falastiin u beddelo wax u eg ciidan nidaami ah oo ka kooban guutooyin iyo saraayaat kala duwan.
Sirdoonka Yahuudda oo kaashanaya kuwa Maraykanka oo tobanaan sano oo xiriir ah ku raad joogay Muxamad Ad-Deyf ayaa kama danbaystii ku dilay duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Al-Mawaase ee Galbeedka Magaalada Khaan Yuunis ee Koonfurta Marinka Qazza, xiligaas oo taariikhda miilaadiga ah ay ku beegnayd, 13 Julaay ee Sanadkii 2024-ka.
30-kii Janaayo ee sanadka 2025-kii, Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka muqaawamada Falastiin, ayaa Kalimad maqal iyo muuqaal ah oo uu jeediyay, waxa uu si rasmi ah ugu xaqiijiyay geerida Maxamed Al-Deif, oo ay weheliyaan dhowr xubnood oo ka tirsan golaha milatariga ee muqaawamada Falastiin.