Suuqyada lagu iibiyo nuucyada kala duwan ee Khudaarta kuna yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa, sara ukicii ugu ballaarnaa ee ku yimaada qiimaha lakala siisto khudaarta.
Dadka ayaa waxa ay sheegeen in tani ay ku timid asbaabo badan oo is biirsaday awogood, kuwaas oo ay ugu horreeyso wadooyinkii khudaarta loosoo marin jiray oo go’ay.
Arrinta kale ee sababtay sara ukaca ayay ganacsatdu ku sheegeen, in Dowladda Fedaraalka ay wali wado in koontaroollada ay dhigto Eeyo baara qudaarta, taas oo dib udhac ku keenta ganacstada, xilliyada qaarna ayba qudaartu ku hallawdo koontaroollada.