Saraakiil katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay quus ka muujiyeen dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoona sheegay ineysan jirin meel ay uga badbaadayaan Mujaahidiinta.
Saraakiishaan oo la hadlayay askar ku sugan furimaha dagaalka ee Sh-dhexe ayaa waxa ay quus ka mujiiyeen, dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoona ciidanka u jeediyay hadallo niyad jab ah.
Maxamuud Axmed (Masdile) oo ah Korneyl katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu sheegay, in sidii loosoo ceyrsanayay la geeyay xeebta, intaas kadibna aysan jirin meel ay maciin bidaan.
Waxa uu tilmaamay in aysan jirin meel looga baxsan karo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayna isku mid tahay haddii ay calaacalaan iyo hadey iska aamusaan intaba.
Xasan Dhicisow oo isana ah Taliyaha Boliska ee maamulka la baxay Hirshabeelle oo uu khalkhal xooggan ka muuqday ayaa sheegay, in uusan hadalka dheereyn karin maadaama uu goob furin ah joogo, isagoona geesta kale qiray in sidii ay furimaha uga firxanayeen ay illaa iyo hadda la’yihiin meel looga haray oo ay ku nastaan.