Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo kamid ah dalka Kenya, kaas oo ay ku dhaawacmeen saraakiil katirsan boliska Xukuumadda Nairobi.
illaa 10 kamid ah saraakiisha Boliska Dowladda Kenya ayaa siyaabo kala duwan ugu dhaawacmay shilkaan gaari, waxa ayna shilka galeen xilli ay ku sii wajahnaayeen munaasabad uu goob joog ahaa madaxweynaha Kenya William Ruto.
Saraakiishaan ayaa doonayay iney ka qeyb galaan aaska aabaha dhalay gudoomiyaha baarlamaanka ee dalka Kenya, aaskaas oo ka dhacayay tuulada Kamale ee hoostagta degmada Magarini oo katirsan ismaamulka Kilifi.
Madaxweyne ku xigeenka Keya iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo kale ku sugnaa goobta uu aasku ka dhacayay, balse waxa ay marti galiyeen musiibo kale.
Mid kamid ah baarlamaanka Kenya oo ka hadlay shilkaan ayaa xukuumadda ku dhaliilay ineysan waxba ka qaban burburka wadooyinka, taas oo sheegay iney saameyn ku yeelan karaan markii ay dadku aasayaan kuwa ka dhinta.
“Waxaan isticmaalay wadadaas oo uu ka dhacay shil fool-ka-fool ah, ilaa 10 saraakiil oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay halka kuwa kalena uu boorku saameeyay,” ayuu yiri xildhibaankaaan oo lagu magacaabo Ole Kenna.
Dalka Kenya ayaa waxa uu kamid yahay wadamada ugu shilalka badan ee geeska Afrika, waxa uuna shilkaan kusoo aadayaa iyadoo maalin kahor saddex arday oo dhigata Jaamacadda Koonfur bari Kenya ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay wadanka Kenya.