Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsSaraakiil Katirsanaa Kooxda RSF oo Lagu Dilay Dagaallada Ka Socda Suudaan.

Saraakiil Katirsanaa Kooxda RSF oo Lagu Dilay Dagaallada Ka Socda Suudaan.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa dalka Suudaan ka dhacayay dagaallo xooggan oo udhaxeeya kooxda RSF iyo ciidanka Suudaan, waxaana lagu dilay saraakiil dhowr ah oo katirsanaa kooxda Ad-Dacmu As-Sariic.

Saraakiisha magacyadooda la baahiyay ee lagu dilay dagaallada waxaa kamid ah in kabadan 6 sarkaal oo ay ugu waaweyn yihiin:

1- Mahdi oo loo yaqaan Jalxa, 2-Ganaraal Al-Daahir 3- sarreeye Gaas Cabullaahi Xuseyn 4-Qaa’id meydaani ah oo lagu magacaabo Suleym Ar-Rashiidii 5- iyo Qaa’id kale oo meydaani ah laguna magacaabo C/Raxmaan.

Sido kale saraakiisha kuwan ka horreeyay eel aga dilay kooxda RSF waxaa kamid ah:

1-Gaanshaanle Dhexe C/Raxmaan Al-Beyshiyi  wuxuu kamid ahaa saraakiisha ugu cad cad kooxda RSF 2- Cali Yacquub oo ah ninkii ay malleeshiyadan uxilsaartay inuu qabsado magaaalada Al-Faashir 3- iyo Sarreeye Gaas Ciisaa Al-Dheyf.

Malleeshiyadan ayaa maalmihii udambeeyay jab xooggan kala kulantay fagaaraha dagaalka, waxaana hogaamiyaha suudaan  CabdulFattaax ah Al-Burhaan la arkayay isagoo kasoo muuqanaya fagaarayaasha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.