Wednesday, May 21, 2025
HomeUncategorizedSaraakiil Xabashi ah oo Safar Lugta ah ku Tagay Dhulka uu ka...

Saraakiil Xabashi ah oo Safar Lugta ah ku Tagay Dhulka uu ka Arrimiyo Maamulka Soomaaliland.

Saraakiishaan oo isugu jira kuwa Millatariga iyo Booliska ee Dowladda Xabashida Itoobiya, ayaa waxa ay safar dhanka lugta ah ku yimaadeen deegaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland.

Ujeedada safarka saraakiishaan Xabashida ah ayaanan wali la xaqiijin, balse waxa ay xoguhu tilmaamayaan iney uyimaadeen dagaalladii ka dhacay deegaanka Dacawaley ee dhulka Soomaali-galbeed, halkaas oo ay Dowladda Itoobiya ku xasuuqday dad shacab ah.

Inta aysan Saraakiisha Xabashida ah soo galin dhulkaas, waxaa magaalada Wajaale sii tagay saraakiil katirsan maamulka la baxay Soomaaliland, waxaana xubnaha Xabashida qaabilay kamid ah Guddoomiya Gabiley iyo xubno kale oo katirsan maamulka magaaladaas.

Safarka xagga dhulka ah ee ay ku yimaadeen saraakiisha Xabashida Itoobiya ayaa waxa uu kusoo beegmayaa, iyadoo warar la helayo ay tibaaxayaan in hogaamiyaha maamulka la baxay Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro uu safar ku tagayo dalka Jabuuti.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa waxa ay dhibaatooyin ba’an ku heysaa bulshada ku dhaqan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysigeeda, iyadoona usameysay maleeshiyaad ay ku xasuuqdo dadkaas, halka xilliyada qaarna ayba si toos ah xasuuqa ugeystaan ciidankeeda.

Halkaan ka Degso Warka Saraakiisha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.