Gaashaanle katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku dhaawacmay dagaalka ka dhan ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku dayacan dalka Hindiya.
Maxamuud Daahir Qamaan, waa gaashaanle katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku dhawaacmay dagaallo ay la galeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka dhacay qeybo kamid ah gobalka Jubada-hoose.
Maxamuud ayay xabaddu ka haleeshay sinta taas oo qeyb kamid ah ay burburtay, waxaana ay xabaduhu ka naafeeyeen neerfaha.
Isagoo sariir la yaal ah ayuu soo diray farriin quus ah, waxa uuna ka warbixinayaa xilligii la dhaawacay iyo xaaladda uu iminka ku sugan yahay.