Maxamed Sheekh Axmed Dayib, oo kamid ahaa saraakiishii ciidamada Soomaaliya ee galay dagaalkii Saban Saban, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay tahay dowlad qabyaaladeed.
Wuxuu sheegay inuusan ka helin xuquuqdiisa ciidannimo, taladana loo dhiibay saraakiil dhalinyaro ah.
Wuxuu codsaday in la siiyo lacagaha mushaarka ah ee ka maqan sida uu hadalka u dhigay sodonkii sano ee lasoo dhaafay.