Labo Xidigle Saalax Xasan Aadan oo kamid ahaa saraakiisha booliiska Dowladda Federaalka ayaa shalay waxaa lagu dilay deegaanka Galgalato ee duleedka Muqdisho.
Waxaa dilka geystay askari katirsan ciidankii uu isagu taliyaha u ahaa, waxaana uu ku dhuftay sodon xabadood.
Ehellada sarkaalka la dilay ayaa sheegay in la fakiyay askariga dilka geystay, dhankoodana aaney aasi doonin meydadka, illaa gacanta lagu soo dhigayo askariga dilka fuliyay.