Thursday, May 15, 2025
HomeAll NewsSarkaal Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Lagu Dilay Muqdisho.

Sarkaal Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Lagu Dilay Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal katirsan Dowladda Fedaraalka, kaas oo ay dilkiisu kasoo baxayaan warar kala duwan.

Sarkaalka oo lagu magacaabo Cabduqaadir Xuseen Cigaal, ayaa waxa ay kooxo hubeysan u dhex dileen hoygiisa oo ku yaalla xaafadda KPP ee degmada Hodan oo katirsan magaalada Muqdisho.

Warar kol sii horreysay la baahiyay ayaa sheegayay, in sarkaalkaan xaalado adag oo wajahay darteed uu nafta isku dhaafiyay, balse baaritaanno kadib waxaa la ogaaday in warkaasi uusan waxba ka jirin balse sarkaalka la dilay.

Xoga dambe ee la helay ayaa muujinaya in sarkaalka ay hoygiisa kusoo weerareen, islamarkaana ay halkaasi ku dileen, waxaana jirkiisa ma muuqanayay in Mindi lagu dilay.

Xogaha qaar ayaa tilmaamaya in dilka sarkaalkaan ay ka dambeeyeen rag katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sarkaalka la dilay mudooyinkii lasoo dhaafay lagu heystay guri uu ka daganaa xaafadda KPP ee degmada Hodan oo katirsan magaalada Muqdisho, masuuliyiin katirsan Dowladda Fedaraalka ayaana la sheegay iney gurigiisa ku heysteen oo ay doonayeen iney kala wareegaan.

Halkaan ka Degso Warka Sarkaalka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.