“Soomaaliya: Codadka Jiidda Hore” waa xasuus qorka sargaal howlgab ah oo katirsan ciidanka dowladda Kenya, kaas oo uu uga hadlayo qisada dagaal qaatay mudo ka badan 10 sano oo ay ciidamada Kenya duullaan ku joogaan Soomaaliya.
Buugaan oo uu qoray kornayl lagu magacaabo Joseph Mulowa ayuu diirada ku saarayaa dagaalka ciidanka KDF ay Soomaaliya ka galeen tan iyo sanadkii 2011, xiligaas oo ay dalka dullaan kusoo galeen iyaga oo soo qaaday howlgal milatari oo ay ugu magacdareen “Linda Inji” Korneyl Joseph Mulowa ayaana ka sheekaynaya maalmihii iyo habeenadii madoobaa ee uu kusoo qaatay xeryaha milatari ee ay kaga suganyihiin gobolka Juba-Hoose.