Mid kamid ah saraakiisha Dowladda Fedaraalka ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa qiray in dagaalladii shalay maanta ka dhacay duleedka Moqokori ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaareen askartooda.
Cismaan Guure oo kamid ah Saraakiisha Dowladda Fedaraalka ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa qiray, in dagaalladii maanta tirada dhowrka jeer ah lagu jabiyay ee ka dhacay meel udhow magaalada Moqokori uu kasoo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wuxuu carabka ku dhuftay in jiraan askar ka dhimatay dhankooda iyo kuwa dhaawacyo ay soo gaareen, isagoo dhanka kale laga dheehanayay hadalkiisa niyad jabka uu ka qaaday dagaallada socda iyo guuldarrooyinka is daba jooga ah ee ay la kulmayaan ciidankooda oo kasii firxanaya goobaha la isku faraha saaro ee uu hardanku ka holcayo.