Tuesday, July 8, 2025
HomeAll NewsSarkaal Lagu Dilay Jowhar iyo Madaafiic Khasaare Dhalisay oo Lagu Garaacay Xerada...

Sarkaal Lagu Dilay Jowhar iyo Madaafiic Khasaare Dhalisay oo Lagu Garaacay Xerada Hiilweyne.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh-dhexe ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen gudaha magaaladaas.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa waxa a howlhalkaan la beegsadeen sarkaal katirsan maamulka la baxay Hirshabeelle.

Maxamed Gaalib oo ahaa sarkaal katirsan maamulka la baxay Hirshabeelle, ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen howlgalkaan ay ka fuliyeen magaalada Jowhar.

Geesta kale weerar Madaafiic ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen, xero ciidan oo ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobalka Sh-dhexe.

Madaafiicda ayaa lala beegsaday xerada Hiilweyne ee ku taalla duleedka degmada Balacad, waxaana lagu duilay ugu yaraan 6 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, halka lagu dhaawacay 42 kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.