Saturday, April 12, 2025
HomeAll NewsSarkaal Lagu Qarxiyay Baladxaawo iyo Weeraro ka Dhacay Bakool.

Sarkaal Lagu Qarxiyay Baladxaawo iyo Weeraro ka Dhacay Bakool.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay goballada Gedo iyo Bakool ka fuliyeen, weeraro isugu jira qarax iyo kuwa toos ah.

Haddaan ku horeyno gobalka Gedo, Habeenkii xalay waxaa weerar qarax ah lala beegsaday, guri uu degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ka dhagan yahay sarkaal katirsan Dowladda Fedaraalka oo lagu magacaabo Xasan Ganeey.

Xasan ayaa ka badbaaday qaraxa, balse waxaa ku dhaawacmay 3 askari oo 2 kamid ah lagu kala magacaabo Xasan Cibaad oo ah sarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka, iyo Cumar Hurdaaye oo askari ah.

Isla xalay ciidamada Xakarada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday, xeryaha ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin degoominyka Xudur iyo Waajid oo kawada tirsan gobalka Bakool.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.