Monday, June 30, 2025
HomeAll NewsSarkaal Yugaandheys ah oo Lagu Dilay Sh-hoose iyo Madaafiic Lagu Garaacay Xero...

Sarkaal Yugaandheys ah oo Lagu Dilay Sh-hoose iyo Madaafiic Lagu Garaacay Xero ku Taalla Baay.

Guutooyinka qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weerar qarax ah la beegsadeen, kolonyo katirsan ciidamada Shisheeye ee Uganda, kuwaas oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobalka Sh-hoose.

Qaraxa ayaa waxaa ciidamada Uganda lagula beegsaday duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal Miino-baare ah oo katirsanaa ciidamada Uganda ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay qaraxa, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay 2 askari.

Geesta kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weerar madaafiic ah ku garaaceen, xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Ugu yaraan 14 askari oo katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed ayaa ku dhaawacmay, madaafiicda ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen, xero ay askartaas ku leeyihiin deegaanka Bur-jaad ee dhaca duleedka magaalada Beydhabo ee gobalka Baay.

Halkaan ka Degso Faahfaahinta Howlgallada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.