Gadiidleyda isticmaasha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhigay dibad ay kaga soo horjeedaan waxyeello ay ciidamada shisheeye ee kusoo duulay dalka ugetsteen wadadaas.
Maalintii shalay waxaa duleedka Xamar gaar ahaan inta udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ka dhacay, dibadbax ay dhigeen gaadiidleyda isticmaasha wadadaas, kaasi oo ay kaga soo horjeedaan waxyeello ay askarta shisheeye ugeysteen wadada laamiga ah.
Gadiid Tangi ah oo ay wateen ciidamada shisheeye ayey marsiiyeen laamiga, wuxuuna ugeystay waxyeello, taasi oo ay kasoo horyimideen gaadiidleydu, iyagoo hakad geliyay socodkii ay ku jireen askarta shisheeye isna hortaagay gaadiidkoodii.