Shacabkaa ku dhaqan inta u dhaxeysa deegaannada Ceelasha-Biyaha iyo Siinka-Dheer ee duleedka Muqdisho ayaa cabasho ka ah, xubno katirsan Dowladda Fedaraalka oo ay ku eedeeyeen iney boobayaan dhulkooda.
Dadkaan oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, in xubno katirsan Dowladda Fedaraalka ay ku howlan yihiin iney si xoog ah kula wareegaan guryahooda, sidoo kale ay geysanayaan dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira jirdil iyo dhac.
Odayaasha degaanka oo ugu horreeya dadkaas ayaa waxa ay sidoo kale tilmaameen, in xubnahaan katirsan Dowladda Fedaraalka ay amar ku bixiyeen iney dadku isaga barakacaan dhulka ku yaalla Al-Xayaat, Jabad-Geelle iyo Muusaaley oo dhaca duleedka Muqdisho.