Qoysas Shacab ah oo ku nool xaafadda Siliga Towfiiq ee degmada Yaaqshid, ayaa ka cabanaya ganacsato gacan-saar la leh Dowladda Fedaraalka oo dhulboob ku haya.
Qoysaskan dhigay dibad bax islamarkaana la hadlay warbaahinta, ayaa qeexay in ciidamo hubeysan oo ay la socdeen ganacsato xiriir la leh Dowladda Fedaraalka ay kusoo weerareen guryahooda, loona adeegsaday rasaas.