Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si adag uga soo horjeestay qorshe cusub oo ay Dowladda Fedaraalka dhaqaale uga raadsaneyso dadka rayidka ah.
Awaamiir kasoo baxday maamulka gobalka Banadir ee Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa ay ku sheegeen, iney lacago ganaax ah ka qaadi doonaan dadka ku saxarooda ama ku kaadiya derbiyada Muqdisho.
Dadka ku dhaqan Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen, in tani ay kamid yahay mashaariicda faraha badan ee ay Dowladda Fedaraalka ku dooneyso iney ku baaddo dadka rayidka ah, waxa ay lasoo shir tagtayna ay yihiin wax aan socaneyn.