Sunday, June 29, 2025
HomeAll NewsShan Jawaasiis ah oo Lagu Dilay Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Shan Jawaasiis ah oo Lagu Dilay Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud lagu dilay shan ruux oo basaasiin ah, kuwaasoo la shaqeynayay sirdoonno kala duwan.

Tiradan jawaasiista ah ayaa la shaqeynayay sirdoonnada Mareykanka, Dowladda Fedaraalka iyo maamullada la kala baxay Puntland iyo Hirshabeelle, waxayna ka qeyb qaateen falal gurracan oo lagu dhibaateeyay dadka Muslimiinta ah.

Magacyada basaasiintan iyo hawlihii ay qabateen waa sidan:

1-Yuusuf Xusseen Maxamad (Abwaanka) oo da’diisu tahay 36-jir, waa Jaasuus la shaqeynayay maamulka la baxay Hirshabeelle, qeybta gobolka Hiiraan.

2-Cabdiwahaab Maxamad Axmad oo da’diisu tahay 25-jir, wuxuu ahaa jaasuus la shaqeynayay maamullada la kala baxay Puntland iyo Hirshabeelle.

3-Gaabow Cali Faarax oo da’diisu tahay 28-jir, waa jaasuus la shaqeynayay Dowladda Fedaraalka.

4-Mukhtaar Axmad Caliyow Garas, waa jaasuus la shaqeynayay sirdoonnada dowladda Mareykanka iyo Dowladda Fedaraalka.

5-Axmad Xassan Sheekh Xusseen Mad’aanoy (Toorrey) oo da’diisu tahay 42-jir, wuxuu ahaa jaasuus u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka iyo kan Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Cokda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.