Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsShaqaalaha Wasaaradda Warbarashada oo Cabasho ka ah Dowladda Fedaraalka.

Shaqaalaha Wasaaradda Warbarashada oo Cabasho ka ah Dowladda Fedaraalka.

Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ayaa dibadbax ay ka dhigeen magaalada Muqdisho waxa ay eedeymo ugu jeediyeen Dowladda Fedaraalka.

Shaqaalahaan oo isugu soo baxay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen, in Dowladda Fedraalka gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada ay xad gudubyo kala kulmeen.

Waxa ay tilmaameen in muddo sanado ah ay ka shaqeynayeen howsha ay hayaan, haddana ay Dowladda Fedaraalka billawday iney howshooda soo fara galiso, booskoodina ay ku badasho arday ay iyagu wax bareen.

Shaqo joojin ayay sheegeen in lagu sameeyay, iyagoo intaa ku daray in muddo 2 bilood ah aan la siin mushaarkooda.

Halkaan ka Degso Warka Cabashada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.