Madaxweynihii dowladdii ku meelgaarka ayaa cambaareeyay tallaabo ay Dowladda Fedaraalka dadka shacabka ah ugu qasbeyso iney iska diiwaan galiyaan doorashooyinka.
Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweynihii dowladdii ku meelgaarka sidoo kalana ah hogaamiyaha mucaaradka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu eedeymo ujeediyay, guddiga doorashooyinka ee dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.
Xisbiga la baxay Hilimo Qaran ee uu hogaamiyo Shariif ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku cambaareeyay, guddiga doorashooyinka Dowladda Fedaraalka oo uu sheegay in dadka shacabka ah ku qasbayo iney isdiiwaan galiyaan.