Mu’asasada Al-kata’ib ayaa manta oo Sabti ah baahisay kalimad uu Sheekh Cali Maxamuud Raage, afhayeenka XSHM ka hor jeediyay ciidan milatari ah oo maalmo kahor tababar loo soo xeray mucaskar weyn oo loogu magac daray Sheekh Cabdullaahi Axmad Sahal oo kamid ah aasaasayaashii jihaadka casriga ah. Ugu horreyn Sheekh Cali Dheere ayaa u mahadceliyay tababarayaashii soo saaray ciidankan oo u muuqday kuwa si aad ah loo layliyay, una dhammeystiran yihiin agabkii ay ku shaqo gali lahaayeen.
Kalimadda oo xog warran ah, kana hadleysa xaaladda wadanka, geesta kalana dhambaallo xasaasi ah u diraysa dhinacyo kala duwan ayaa waxa uu afhayeenku diiradda ku saaray dagaallada hadda socda, wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu doorashadiisii kadib ku goodiyay inuu muddo 5 bilood ah wadanka uga tirtirayo mujaahidiinta, kolkaasoo Xarakaduna ay dhankeeda ku jawaabtay in dhaartaas ay dhallanteed noqon doonto, maatana oo ay Xasan Sheekh sadax sano usii dhammaanayso wuxuu xusay halka uu xaal marayo. Intaa kadib wuxuu sheegay meelaha yaryar ee ay uga hareen Sh/dhexe iney qorshe ka leeyihiin saacadaha iyo maalmaha soo socda.
Sidoo kale wuxuu soo hadalqaaday baqdinta amni ee todobaad kahor ka billaabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kadib markii ay digniino amni soo saareen hey’ado, dowlado iyo ururo caalami ah, xilligaasoo ay dhowr wadan joojiyeen duulimaadyadoodii Muqdisho, sida Turkiga, Qadar iyo kuwa kale, goortaasoo ay saraakiil iyo diblumaasiyiin shisheeye isaga carareen wadanka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in DF ay maanta la’dahay saraakiil dagaal galiyayaal ah kadib markii horgalayaashii ciidankeeda lagu laayay dhulka bacadka ah ee Sh/dhexe iyo Galgaduud. Saraakiishaas ayuu sheegay Afhayeenku iney ku dhakan jireen Muqdisho, sidii lagu dilana ay adkayd, balse markii lagu soo xaaqay Galgaduud iyo Sh/dhexe ay mar qura wada baaba’een iyaga iyo badi ciidamadii ay wateen.
“Ciidamadii murtadiinta ee Turki lagu soo tababaray, kuwa Eritrea lagu soo dhisay, kuwi Masar lagu soo dhisay, kuwi Mareykan dhisay, manta murtadiin waxay ka la’yihiin hal urur oo isku toosan oo ay dagaal galshaan, Ilaahay ayaan uga mahadcelinaynaa Subxaanahu watacaalaa, Jalla wacalaa. Manta marka kafaddu dhinaca mujaahidiinta ayay jirtaa sadax sano kadib, markii horana 5 bilood ayaa nalo qabtay” sidaasi waxaa yiri afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo intaa ku daray in ay waxba tari waayeen isbahaysigii duullaanka soo qaaday ee madowga iyo caddaanka isugu jiray.
Sheekhu wuxuu tilmaamay in manta ay soo muuqatay in bulshadu taageersan yihiin Mujaahidiinta taasina ay keentay in Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisu ay beegsadaan shacabka kuna dalbadaan shisheeyaha ay Itoobiya kamid tahay sida ka muuqatay qeybaha hore ee Video-ga oo lagu soo qaatay duqeymihii ay Xabashida iyo shisheeyaha kale ka geysteen Biyo-cadde, Galcad iyo Jilib, kuwaasoo dhammaantood lagu beegsaday guryo dadweyne, suuqyo ganacsi iyo xarumo waxbarasho, laguna dilay caruur iyo haween.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in shisheeyaha kusoo duulay wadanka iyo DF oo had iyo goor madiidin u ah, labaduba ineysan kala jeclayn mujaahid la dagaalamaya iyo maati danaheeda ku mashquulsan, wuxuuna tusaale usoo qaatay ciidamada Itoobiya berigii ay Muqdisho kusoo duuleen qiso dhacday. “Waagii ay Xamar joogeen ayaa waxay sameeyeen Amxaaarada, habeenii ayaa inta la galay ayay subixii marki lasoo baxay dad badan aruuriyeen, dadkii ayaa waxay dhaheen maxaad naga rabtaan dadkii idinla dagaalamayay annaga ma ahane, midkii sarkaalka ahaa baa wuxuu ku yiri, sidaas miyaa, HAA, kunkun keena, qof walba kunkiisii shilin intuu ka qaaday ayuu isku dhex qasay, wuxuu yiri, ninba kunkiisii hala baxo, waxay dhaheen annaga kalama naqaano, markaasuu ku yiri, Soomaali annaga saasey noo tahay” ayuu yiri Sheekh Cali oo sharraxaad ka bixinayay waaqica.
Isla arrintaas isagoo sii bidhaaminaya ayaa wuxuu sheegay in maanta ay arrintu kasoo gudubtay, halheyskii Xabashida ee ahaa “Soomaali, Soomaali buu noo yahay” oo ay mareyso (Muslimka waa noo Muslim), wuxuu doono ha ahaado. Intaa kadib wuxuu farriin u diray Xasan Sheekh oo maanta ku sugan xaalad hubanti la’aan ah isagoo ugu baaqay inuusan dib dambe ugu kadsoomin gaalo cududeeda iyo yididiiladeeda, wuxuuna xusay in ku tiirsanaanta gaaladu ay lamid tahay qof xuub caaro tabar ka dayay.
Afhayeenku wuxuu carrabka ku dhuftay in gaaladu aysan waxba u haynin Xasan Sheekh isagoo tusaale usoo qaatay sidii aqalka looga taliyo Mareykanka loogu bahdilay madaxweynaha wadanka Ukraine iyo faqriga ka jira wadamada Reegalbeed, sidaa darteena wuxuu ugu baaqay ineysan ku kadsoomin dad iyagiiba toodii meel u weysan. Sheekh Cali Dheere wuxuu khudbaddiisa kula hadlay ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay ku sugan tahay, wuxuu u sheegay in maanta ay indhahooda ku arkaan natiijada ka dhalatay nin maqaar saar ah oo mar walba ay shisheeyuhu dusha ka saaraan kuna raali noqdaan.
Wuxuu dareensiiyay dhibaatada laga dhaxlay DF oo isugu jirta maato lays, dhulboob fool xun oo la arkayo haween umulo ah oo aqalkii ay jiifeen cagaf la gelinayo, ganacsatadii in badan oo kamid ah oo Xamar isaga cararay markey u dulqaadan waayeen baadda ay kala kulmayaan Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa, dalkii oo la xaraashay, Xabashi iyo Turki oo la siiyay baddii iyo khayraadkii wadanka. Caano daatay dabadoodaa la qabtaaye wuxuu ugu baaqay Soomaalida iney garab istaagaan Mujaahidiinta, haddey shalay baqayeenna maanta ay dhiirradaan maadaama ay indhahooda ku arkaan Mujaahidiinta oo garaacaya albaabada Muqdisho.
Sheekh Cali dheere wuxuu farriin u diray ciidamada baaqiga ku ah DF iyo waalidiintooda, wuxuu ciidanka ugu baaqay iney badbaadsadaan naftooda, kana go’aan qaatay halka ay ku dhimanayaan, wuxuu u sheegay in aysan rabin dilkooda, hadafkuna yahay in shisheeyaha dalka kusoo duulay lala dagaalamo, haddey diidaan wuxuu u sheegay iney sidii saaxiibadood qurqurin doonaan bacaadka Sh/dhexe. Waalidiintooda wuxuu ugu yeeray iney wiilashooda kala soo baxaan safka DF kahor inta aysan barooran ama aysan ka shallaayin, xilli aysan qoomamadu waxba tarin.
Gunaanadkiina wuxuu gacan salaameed u diray ciidamada Mujaahidiinta ee ka dagaalamaya bariga Afrika kuwaasoo uu ku bogaadiyay halganka ay ku jiraan, uguna hambalyeeyay dhabar adaygga iyo guusha ay Alle kadib kasoo hoyeen dagaalka, wuxuuna ugu baaqay iney sii laba jibbaaraan kaalintooda maadaama guushu aad usoo muuqanayso, una baahan tahay in guntiga dhiisha la isaga dhigo, wuxuuna ugu dmabeyntii Allaah ka baryay inuu u gargaaro Muslimiinta meel walboo ay joogaan, kuwa ka jihaadaya bariga Afrikana uu libinta ka siiyo cadawgooda.