Shiinaha ayaa maalintii shalay oo Jimco ahayd Afar iyo Todobaatan diyaaradood oo kuwiisa dagaalka ah u dirtay dhanka jaziiradda Taywaan, kuwaas oo Kow iyo Lixdan ka mid ah ay ka gudbeen khadka dhexe ee marin-biyoodka Taywaan, kasoo si aan rasmi ahayn u kala qaybbiyo dal waynaha Shiinaha iyo jaziiraddaas mabax-banaanida ku naaloonaysa.
Tiradan aan caadiga ahayn ee diyaaradaha ayaana walaac ku abuurtay jamhuuridda Taywaan. Wasaaradda gaashaandhigga ee Taywaan ayaana sheegtay, in aysan caddayn sababta tiradan diyaaradeed ee intaan la’eg ay Biijiin ugu soo dirtay dhankeeda, iyadoo intaas ku dartay, in Shiinaha uu soo diray labo dufcadood oo diyaaradihiisa dagaalka ah.
Balse tallaabadan ayaa loo arkaa inay jawaab u tahay, markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Ingiriiska oo Khamiistii ina dhaaftay ka gudbay marin biyoodka Taywaan, taas oo loo arka inay caqabad ku tahay sheegashada Shiinaha ee marin biyoodkan xasaasiga ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taywaan ayaana Khamiistii shaaca ka qaaday, inuu markabkaas si aamin ah u maray marin-biyoodkaas, iyada oo waa wasaaradda ee war-saxaafadeed ay soo saartay ku tiri “Boqortooyada Ingiriiska waxay mar kale qaaday tallaabo la taaban karo oo ay ku taageerayso xorriyadda socdaalka marin-biyoodka Taywaan, iyo inay caddayso mowqifkeeda adag ee ah in marin biyoodku uu yahay mid caalami ah.” Ayay tiri wasaaradda arimaha dibadda ee Taywaan, iyadoo intaasi ku dartay, in tallaabadan ay ku dhiirro-galin karta maraakiibta kale ee caalamka inay maraan marin-biyoodkaas.
Markii ugu dambeysay ee markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Ingiriiska uu ka gudbo marin-biyoodka Taywaan waxay ahayd sanadkii 2021-ka, kaas oo kasoo shiraacday waddanka Jabaan kuna sii jeeday dalka Fiitnaam.
Shiinaha ayaa xilligaasi si kulul u cambaareeyay tallaabada ay qaaday Landhan, isaga oo u dirtay ciidamadiisa si ay uga daba tahaan markabkaas.
Shiinuhu waxa uu jaziiradda Taywaan u arkaa qayb ka mid ah dhulkiisa, waxaana suura-gal ah, in weerarro kadis ah oo uu ku hooskeenayo xukunkiisa inuu ku qaado jaziiraddaas, sida ay ka digayaan dowladaha reer Galbeedka ee Taageeda la garabtaagan Taywaan.