Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsShiinaha oo ku Hanjabay inuu Talaabo ka Qaadi Doono War Dhawaan kasoo...

Shiinaha oo ku Hanjabay inuu Talaabo ka Qaadi Doono War Dhawaan kasoo Yeeray Maraykanka.

Dawladda Shiinaha ayaa war ay soosaartay ku sheegtay, in ay kasoo hor jeedo go’aan dhawaan kasoo baxay dalka Maraykanka, kaas oo ahaa in maamulka Trump uu isku diyaarinayo inuu ku cadaadiyo dalalka kale inay xaddidaan ganacsigooda kala dhaxeeya Shiinaha, si ay Bayjiin u dhinto canshuuraha ay kusoo rogtay badeecadaha ay u dhoofiyaan dibada.

Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa maanta sheegtay, inay si dhow ula socoto dhammaan dhinacyada doonaya inay xalliyaan khilaafaadkooda ganacsi ee kala dhexeeya Maraykanka, iyagoo wada-tashi isku mid ah la yeelanaya, balse ay si adag uga soo horjeedaan cid kasta oo heshiis ka gasha dhaqaalaha Shiinaha.

Afhayeen u hadlay wasaaradda oo ka faallooday wararka sheegaya arrintan, ayaa tilmaamay in waddankiisu uu qaadi doono tallaabooyin adag oo dhanka is dhafsiga ganacsiga ah, haddii Maraykanku uu isku dayo inuu soo fara-galiyo hishiisyada maaliyadeed ee ay kula jiraan dalalka kale ee caalamka.

Horaantii bishaan, wakiilka ganacsiga ee Mareykanka ninka lagu magacaabo Jamisuun Jariir ayaa ku dhawaaqay, in ku dhawaad ​​50 wadan ay la soo xiriireen si ay ugala hadlaan canshuuraha dheeriga ah ee uu soo rogay Trump, taas oo keentay in la hakiyo  canshuuro horay loogusoo rogay tobanaan dowladood, marka laga reebo dalka Shiinaha oo ah wadanka labaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka oo ay xurguf ganacsi kala dhaxayso Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.