Sedaxdan ruux oo uu ku jiro nin ganacsade ah oo maamule ka ah shirkadda sausage ee Rovagnati ee ku taalla gudaha Talyaaniga, ayaa ku dhintay shilkan diyaaradeed, wuxuuna shilku dhacay fiidnimadii habeenkii Arbacada ee lasoo dhaafay.
Sida ay Sheegeyso wakaaladda wararka ee France-Presse macadda illaa iyo hadda sababta keentay shilkan, hase ahaaytee waxaa la arkay diyaaradda oo markii ay burbureysay ku dhexjirta ceeryaamo.
Haddii aan milicsanno ganacsadaha ku dhintay Shilkan, wuxuu maamule ka ahaa shirkad uu leeyahay walaalkiisa Ferruccio oo ay ka shaqeynayaan shaqaale ka badan 1,000 [kun] qof, waxayna laamo kala duwan ku leedahay wadamada kala ah: Belgium, France, Germany iyo Mareykanka, sida laga soo xigtay Website-ka Shirkadda.
Shilalka diyaaradeed ayaa waayihii udambeeyay si isdaba joog ah uga dhacaya daafaha Dunida, waxaana haboon iney dadka Muslimiinti Allaah isku xiraan mar waliba, gaar ahaan marka ay diyaaradaha ku safrayaan.