Habeenkii xalay waxaa mar kale wadanka Mareykanka gaar ahaan gobolka Pennsylvania ee dhaca Bariga dalkaasi ku burburtay, diyaarad Ambulance ah oo waday bukaan.
Diyaaraddan oo ahayd nooca yaryarka, waxaa saarnaa 6 ruux oo ay kamid yihiin ruux bukaan ah, labo dhaqtar, iyo mid kamid ah qoyska qofka xanuunsan.
Gebi ahaanba dadkan ayaa ku dhintay shilka ay gashay diyaaradda, oo sida Bamka oo kale u qaraxday markii ay dhacday.
Arbacadii lasoo dhaafay ayey ahayd markii shil diyaaradeed oo dhacay magaalada Washington ee wadanka Mareykanka ay ku dhinteen, dhamaan dadkii saarnaa diyaaradaha isku dhacay.