Maalintii shalay shil gaari oo geystay waxyeello kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay, qeybo kamid ah goballada woqooyi ee Soomaaliya.
Shilka ayaa waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Burco iyo Caynaba.
Gaari ay la socdeen masuuliyiin katirsan wasaaradda waxbarashada ee maamulka la baxay Soomaaliland ayaa galay shilkaan ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Burco iyo Caynaba.
Inkastoo aan illaa iyo iminka lasoo warin khasaare dhimasho, waxaa hadanna shilkaan ku dhaawacmay 2 kamid ah masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ee maamulka la baxay Soomaaliland iyo xubno kale oo la saarnaa gaariga.
Sawirro laga soo qaaday gaariga shilka galay ayaa waxaa ka muuqday burbur xooggan oo soo gaaray, gaariga, goballada woqooyi ee Soomaaliya ayaana marar badan sidaan oo kale umarti galiyay shilal gallaaftay nolosha dad badan.