Wednesday, July 16, 2025
HomeUncategorizedShil Geystay Khasaare Nafeed oo ka Dhacay Dhulka Soomaali-galbeed.

Shil Geystay Khasaare Nafeed oo ka Dhacay Dhulka Soomaali-galbeed.[DHAGEYSO]

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali-galbeed ee ay gumeysato Dowladda Itoobiya ayaa ku waramaya, in shil gaari oo geystay khasaare nafeed uu ka dhacay deegaan katirsan dhulkaas.

Shilkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Sheygoosh oo kamid ah deegaannada katirsan dhulka Soomaali-galbeed ee ay gumeysato Itoobiya.

Inta la xaqiijiyay 1 ruux ayaa ku dhintay shilkaan ka dhacay deegaanka Shegoosh ee Soomaali-galbeed, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Shilka ayaa yimid kadib markii isku dhaceen 2 gaari oo ku socday xawaare sare, taas oo sababatay dhimashada iyo dhaawaca afartaan ruux.

Dhaawacyada ayaa la dhigay xarun caafimaad oo ku taalla dhulka Soomaali-galbeed, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda.

Maalmo kahor ayay aheyd markii shil gaari oo kadhacay magaalada Gursum oo katirsan gobalka Faafan ee ay gumeysato Itoobiya ay ku dhinteen 6 ruux.

Halkaan ka Degso Warka Shilka

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.