Habeenkii xalay waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Afarta Darjiino ka dhacay shil gaari oo sababay khasaare nafeed.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu farriin goostay gaari nuuca xamuulka qaada ah, kaas oo dulmaray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen 2 ruux.
Labada ruux ee saarnaa mootada oo uu midkood ahaa darawalkii Bajaajta ayaa goobta ku geeriyooday, waxaana ay wararku intaasi ku darayaan inuu goobta isaga baxsaday darawalkii ka xeynayay gaariga xamuulka ah sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.