Shilkan gaari ayaa ka dhacay galbeedka dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Giligil Beles ee katirsan gobolka Benishangul.
Dhacdada shilka ayaa timid kadib markii gaari wayn oo nooca baldoosarka ah uu ku dhacay mid kamid ah hoteellada ku yaalla magaalada, wuxuuna jiiray dad halkaasi ku sugnaa.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shilkan, waxaana ku dhintay 19 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 13 kale.