Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya, in shil gaari oo geystay khasaare nafeed uu ka dhacay ismaamul katirsan dalkaas.
Shilkaan gaari oo si gaar ah kaga dhacay suuqa ismaamulka Nyamira ee dalka Kenya ayaa waxaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen 7 ruux oo Keenyaan ah.
Shilkaan geystay khasaaraha nafeed ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen, gaari xamuul ah oo waday caleenta shaaha iyo gaari nuuca loo yaqaanno matatuuda ee dadweynaha, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah.