Sunday, June 8, 2025
HomeAll NewsShil ka Dhacay Liibiya oo ay Dhimasho & Dhaawac ku Noqdeen ku...

Shil ka Dhacay Liibiya oo ay Dhimasho & Dhaawac ku Noqdeen ku Dhawaad 15 Suudaaniyiin ah.

Dad barakacayaal ah oo u dhashay dalka Suudaan ayaa shil gaari ku galay magaallo ku taalla koonfurta dalka Liibya, Sida ay xaqiijiyeen hay’adaha gurmadka degdegga ah ee ka hawlgala dalkaas, shilkan ayaa dhacay kaddib markii gaariga ay saarnaayeen dadka barakacayaasha ah uu ku dhacay gaari kale oo xamuul ah.

Inta la xaqiijiyay shilkan waxaa ku geeriyooday 12 qof oo ay ku jiraan dumar iyo caruur, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, kuwaas oo dhamaantood kasoo barakacay dagaalada adag ee ka socda dalka Suudaan.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xili todobaad un laga joogo markii sidan oo kale 11 qof oo barakacayaal ahaa oo u dhashay dalka Suudaan ay dhinteen, kaddib markii gaari ay wateen uu ka ciladoobay, kuwaas oo ugu dambayntii gaajo iyo haraad ugu geeriyooday bartamaha Saxaraha Liibiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.