Tuesday, June 3, 2025
HomeAll NewsShil ka Dhacay Ruushka oo ay Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqdeen ku...

Shil ka Dhacay Ruushka oo ay Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqdeen ku Dhawaad 40 Ruux.

Wararka inaga soo gaaraya dalka Ruushka ayaa ku waramaya, in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay buundo kusoo duntay mid kamida waddooyinka tereenada ee dalkaas, taasoo keentay inuu tareen rakaab ah ka leexda waddadii uu ku socday, kadibna uu sababo shil khasaare geystay.

Shilkaan oo galabnimadii shalay ka dhacay galbeedka Ruushka gaar ahaan gobolka Biryaansik ee xuduudka la leh dalka Yukrayn ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 7 qof iyo dhaawaca 30 kale, sida ay shaaca ka qaadeen mas’uuliyiinta maxaliga ah ee dalkaas.

Wakaaladaha wararka ee dalka Ruushka oo soo xiganaya dhaqaatiirta caafimaadka ayaa ku waramay, in darawalkii tareenka uu ka mid ahaa dadka dhintay.

Fariiqa qaabilsan khadka tareenada ee dalka Ruushka ayaa akoon ay ku leeyihiin aaladda Telegaraamka ku sheegay, in tareenka iyo dhawr gaari ay ka leexdeen waddada sababo la xiriira burbur ku yimid qayb ka mid ah buundada waddada, taas oo ka dhalatay waxa ay ugu yeereen faragelin sharci darro ah oo lagu sameeyay isu socodka gaadiidka, iyagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin nooca faragalintaas, waxayna intaasi ku dareen, in tareenku uu ka soo ambabaxay magaalada Kalimuufuu kuna socday magaalada caasimadda ah ee Mosko.

Hay’adda gaadiidka waddooyinka ee Ruushka, ayaa sheegtay in buundada burburtay ay dulmaraysay waddooyinka tareenada ee uu tareenku marayey.

Dhankeeda, wasaaradda gargaarka degdega ah ee Ruushka ayaa sheegtay, in dadaalkeeda ugu weyn ay ku bixinayso sidii loo samata bixin lahaa dadka ku waxyeeloobay shilkaas, iyadoo xaqiijisay, in ku dhawaad ​​180 askari oo Raashiyaan ah ay ka qeyb qaadanayaan howlgalka samata bixinta.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbaysay inay burburta buundadaas dul-maraysay wadda tareennada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.