Saacadihii laosoo dhaafay waxaa magaalada Boosaaso oo ah xarunta gobalka Bari ka dhacay, shil geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilka ayaa waxaa galay gaari ay saarnaayeen dad rakaab ah, waxaana ku dhintay 1 ruux oo bare ka ahaa Jaamacad ku taalla magaalada Garoowe, kaas oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdiraxmaan Jaamac, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.