Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadd Soomaaliya si isdabajoog ah usoo gaarayay xubnaha ugu waawayn si yaasiyiinta mucaaradka ee ku maqan dalka dibaddiisa, iyagoo la kulmaya kuwa Xamar horay usii joogay, ay ugu horyimaadaan siyaasadda Xasan Sheekh uu ku hogaaminayo Dowladda Fedaraalka.
Xubnahan oo ay ku jiraan kuwa xilal sar sare kasoo qabtay Dowladda Fedaraalka, ayaa si cad udiidan hanaanka uu Xasan Sheekh wax uwado iyo mashruuca doorashada qof iyo codka uu ku sheegay ee uu sida qasabka ah kaga qado Muqdisho.
Mucaaradka ayaa shirkooda kaga hadli doona arrimo badan oo ay ku diidan yihiin madaxweynaha Dowladda Fedaraalka oo ay kamid yihiin, wax ka badelka uu ku sameeyay dastuur ay ku dhaqmaan iyo doorashooyinka, iyagoo la filayo iney intaasi kadib soo saaraan war-saxaafadeed ay ku midan yihiin.
Waxay sido kale la kulmayaan shisheeyaha si ay Xasan Sheekh ugu cadaadiyaan inuu kasoo laabto dhabbaha uu qaaday.