Monday, April 28, 2025
HomeAll NewsShir Looga Hadlay Badqabka Tamarka & Caqabaha ku Horgudban oo ka Dhacay...

Shir Looga Hadlay Badqabka Tamarka & Caqabaha ku Horgudban oo ka Dhacay Ingariiska.[WARBIXIN]

Iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha juqraafiyadeed iyo isbedelka ku yimi suuqyada tamarta adduunka, ayaa caasimadda Ingiriiska waxa ay martigelisay shirweyne caalami ah oo lagu sugayo amniga tamarta adduunka, kaas oo ay ka soo qaybgaleen 55 dawladood oo ka kala socda qaaradaha caalamka, oo ay weheliyaan illaa 50 ka mid ah hoggaamiyeyaasha warshadaha tamarta ee ugu saamaynta badan dunida.

Shir-madaxeedkan oo ay soo qabanqaabisay dawladda Ingiriiska oo kaashanaysa hay’addo caalami ah ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha isa soo taraya ee soo wajahay ammaanka wax soosaarka tamarta, kaas oo lagu qorsheeyay in lagu dhiso heshiis caalami ah oo ku saabsan siyaabaha lagu gaari karo isbeddel ku yimaada dhanka tamarta oo waara.

Nabadgelyada tamarta ayaa lagu qeexaa isku xirka amniga qaranka iyo helitaanka kheyraadka dabiiciga ah, maadaama helitaanka tamar jaban ay lama huraan u tahay hor marinta dhaqaalaha casriga ah.

Furitaanka shirka, ra’iisul wasaaraha Biriten Kiir Sataaramar ayaa ku nuuxnuuxsaday in udub dhexaadka amniga tamarta uu yahay mid uu waajib ka saran yahay cid waliba oo ay khusayso, isaga oo ka digay in sii wadida isticmaalka tamarta qaab hub ahaan ah – sida dhacday kaddib dagaalkii Ruushka ee Yukrayn 2022-kii – uu noqon doono mid dalalka qaar ka dhigta kuwo nugul oo aan yeelan dhaqaale ku filan.

Sidoo kale, agaasimaha fulinta ee hay’adda tamarta caalamiga ah, Digtoor Faatax Biirool, ayaa tilmaamay in ammaanka tamarta uu noqday mid aan la qaadan karin, isagoo sheegay in boqolkiiba 85 mashaariicda tamarta ee cusub ay ku tiirsan yihiin ilo dib loo cusboonaysiin karo sida qoraxda, dabaysha iyo biyaha, halka afartii baabuur ee adduunka lagu kala iibsanayo uu mid ka mid ah yahay gaari koronto ku shaqeeya.

Dhankeeda, Madaxa Komishanka qaaradda Yurub haweenayda lagu magacaabo Uursuula Foon ayaa xaqiijisay in Midowga Yurub uu wali ku sii socdo wadadii uu ku joojin lahaa soo dejinta shidaalka Ruushka marka la gaaro 2027-ka, inkastoo ay socdaan xiisado caalami ah oo wax badan ka badalay dhaqaalaha caalamka.

Halkaan ka Degso Warbixinta Shirka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.