Saturday, May 24, 2025
HomeAll NewsShir Looga Hadlayo Maalgalinta Shisheeyaha Kusoo Duulay Soomaaliya oo Qarka Usaaran Inuu...

Shir Looga Hadlayo Maalgalinta Shisheeyaha Kusoo Duulay Soomaaliya oo Qarka Usaaran Inuu Fashilmo.

Waxa mar kale ku dhaw inuu fashilmo shir la qorsheynayo inuu ka dhaco caasimadda Wadanka Qatar ee Dowxa, kaas oo looga hadlayo maalgelinta ciidamada Shisheeye ee kusoo duulay Soomaaliya.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa god mugdi ah kusii dhacaysa, rejada laga qabo inuu hirgalo duullaanka ciidamada Shisheeye ee kusoo duulay Soomaaliya, kaasoo magaciisa loo soo gaabyo AUSSOM.

Mar la eego xilligan, waxaa mar kale qarka usaaran inuu fashilmo shir looga hadlayo maalgelinta ciidamada Shisheeye ee kusoo duulay Soomaaliya, kaasoo la qorsheeyay inuu dhamaadka bishan May ka dhaco magaalada Dowxa ee caasimadda dalka Qadar.

Shirkan oo horay ay ufashilantay qasoomiddiisa bishii April ee ina dhaaftay, ayaa mar kale waxaan muuqata saan saan muujineysa inuusan qabsoomin, wuxuuna ku jiraa xaalad hubanti la’aan ah.

Hubanti la’aanta ku timid qabsoomidda shirkan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo ciidamada Shisheeye ee kusoo duulay Soomaaliya wajahanayaan xaalad dhaqaale xumo ah, islamarkaana uu hakad galay xataa isku socodkooda iyo dhaqaqyadii ay ka sameyn jireen goobaha ay duulLaanka ku joogaan.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya iney jirto xaalad sal fadhisa aan lahayn oo keeni karta inuu qabsoomi waayo shirkan, haddii uu qabsoomana uusan soo saari doonin natiijo dhaqaale oo waarta, taasoo lagu sii wadi karo duullaankan.

Halkaan ka Degso Warka Shirka Shisheeyaha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.