Google oo ah shirkad oo ah shirkad Ameerikaan ah, ayaa khariirad ahaan magacii ka bedeshay magaca Gacan-Biyoodka Mexico, iyadoo ubixisay magaca Gacanka America.
Hay’adda Mareykanka ee magacyada Juqraafiga bixisa ayaa si rasmi ah Isniintii shalay ugu dhawaaqday magaca ay xukuumadda Washington ula baxday gacankan, waxayna fulineysay amar kasoo baxay Trump.
Xilligan marka la fiiriyo map-ka wadanka Mareykanka waxaa lagu arkayaa magaca cusub ee loo bixiyay gacanka, halka dadka ku nool meelo ka baxsan dalkaasi ay arkayaan labada magac.
Gacanka Mexico waa biyo dhaca xeebta Koonfureed ee Mareykanka iyo xeebta Bari ee dalka Mexico tan iyo qarniga 16-aad ee taariikhda loo yaqaan Miilaadiga.
Haweeneyda haysa talada dalka Mexico oo kasoo horjeedda go’aanka Trump iyo magacaabistan cusub ee lagu bedelay magacii loo yiqiin gacanka ayaa sheegtay, in iyaga agtooda iyo Caalamka oo idilba magaca gacanka ahaan doono gacanka Mexico.