Saturday, May 10, 2025
HomeAll NewsShirkii ka Socday Muqdisho oo Fashil Kusoo Dhamaaday & Laftagareen oo ku...

Shirkii ka Socday Muqdisho oo Fashil Kusoo Dhamaaday & Laftagareen oo ku Laabtay Beydhabo.

Shirkii Madaxda Dowladda Fedaraalka uga socday Muqdisho ayaa Fashilmay madaxweynaha maamulka la baxay koonfur Galbeedna wuxuu isaga tegay magaalada Muqdisho, iyadoo Xasan Sheekh Khilaaf kala dhaxeyo.

Waxaa fashil iyo is marin waan kusoo dhamaaday shir dhawaan ay Dowaldda Fedaraalka iyo madaxda maamul goboleedyada qaar.

Shirkan ayaa wuxuu fashilmay kadib markii la isku mari waayay dhismaha iyo xilal qeybsiga xisbi siyaasadeed ay rabeen iney ku midoobaan madaxda maamul goboleedyada iyo Dowladda Fedaraalka, balse lagu kala tegay.

Laftagareen ayaa shalay isagoo careysan Muqdisho isaga dhaqaaqay, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu doonayo inuu Baydhabo ka qabsado doorasho uu isagu kusoo baxo, Xasan Sheekh ayeyna sidaasi ku kala tageen isagoo qaaday dhibihii Axmad Madoobe iyo Siciid Deni.

Halkaan ka Degso Warka Fashilka Shirka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.