Waxaa maanta markale baaqday shirkii uu ku baaqay Xasan Sheekh, iyadoo hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland uu sheegay in uu ahaa mid aan si wanaagsan loo qorsheyn.
Saciid Cabdullaahi Dano oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, isagoona sheegay in wax micno ah aysan sameyneyn in lagu baaqo shirar madhaleys ah sida uu hadalka u dhigay.
Dani ayaa waxa uu soo hadal qaaday shirkii ay Dowladda Fedaraalka sheegtay inuu maanta qabsoomayo balse baaqday, isagoo tilmaamay in shirkaasi uu ahaa mid aan qorshe loo dajin.
Geesta kale waxa uu sheegay in maamulkiisa uu garab taagan yahay kan la baxay Jubbaland, ayna kasoo horjeedaan weerarkii ay Dowladda Fedaraalka ku qaaday nidaamka uu hogaamiyo Axmed Madoobe, Dani ayaana intaasi ku daray in faragalinta Xasan Sheekh uu ku hayo maamul gobaleedyada aysan keeneyn wax aan kala fogaansho aheyn.