Ku Dhawaad 10 Ruux ayaa u Dhintay Cudurka Shuban-biyoodka oo ka Dillaacay Dalka Itoobiya.
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya in tiro dad ah ay u geeriyoodeen halka in ka badan 100 kalana uu soo ritay. cudurka Shuban-boyoodka oo ka dillaacay qeybo kamid ah dalkaas.
Inta la xaqiijiyay 9 ruux ayaa u dhimatay cudurkaan, halka ay la jiifaan 136 kale, kuwaas oo la dhigay xarumo caafimaad, waxa uuna si gaar ah cudurkaan uga dillaacay gobalka Gambella ee dhaca galbeedka dalka Itoobiya.
Degmooyin dhowr ah oo katirsan dalka Itoobiya ayaa lasoo warinayaa inuu kusii faafayo cudurkaan, waxaana laga cabsi qabaa iney kororto tirada dadka u dhimanaya xanuunka.