Muslimiinta ku nool caalamka waa hal jasad oo kale, kaas oo haddii xubin kamid ah ay xanuunsato uu jirka intiisa kale la qeybsanayo dhafarka iyo soojeedka, sidaba uu yiri suubanaha Salallaallaahu Caleyhi Wasallam.
Maadaama ay sidaasi tahay waxaa lagama-maarmaan ah in dadka Muslimiinta ah is garabsadaan, islamarkaana ay ka warqabaan oo ay daryeelaan kuwadooda dufacada ah, waxaana warbixin ku aaddan tacaawunka iyo isgarabsiga inoosoo jeedinaya walaalkeen Maxamed Cali Aadan.