Thursday, May 22, 2025
HomeAll NewsSidee ayuu Noqon Karaa Dagaalka ay Suuragalka Tahay inuu Dhexmaro Ruushka iyo...

Sidee ayuu Noqon Karaa Dagaalka ay Suuragalka Tahay inuu Dhexmaro Ruushka iyo NATO?[WARBIXIN]

Majalladda Foreign Policy ayaa warbixin ay qortay ku sheegtay, in Ruushku uu markii hore qorsheeyay inuu Yukrayn ku qabsado olole milatari oo saddex maalmood soconaya, Balse in ka badan saddex sano kaddib, qorshahaas ayaa weli u muuqda riyo aan rumoobin, iyadoo dagaalka uu sii daba dheeraaday, caqabado cusubna ay hor taagan yihiin Ruushku inuu guul la taaban karo ka gaaro dagaalka.

Majalladdan oo daabacday maqaal uu qoray cilmi-baare lagu magacaabo Faabiyaan Huufman, ayaa sheegtay, in dalalka Yurub ee xubnaha ka ah NATO ay si degdeg ah ugu howlan yihiin dib-u-habayn xooggan, iyaga oo ka cabsi qaba in Ruushku uu weerar ku qaado mid kamid ah waddamada xulafada ku ah isbahaysiga NATO. Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin kasoo jeeda dalka Deenmaark, suuragalnimada weerar noocaas ah ayaa la filan karaa muddo kooban gudaheed, xitaa lix bilood uun kadib marka uu dagaalka Yukrayn dhamaado, taas oo sare u qaaday feejignaanta iyo diyaargarowga milatari ee Yurub.

Inkastoo ay adag tahay in la is waafajiyo labo sawir oo kala duwan oo laga bixinayo Ruushka, kuwaas oo kala ah;- mid sheegaya in Ruushku uu ku guul-darreystay in uu gaaro yoolkiisii Yukrayn iyo mid kale oo tilmaamaya inuu khatar wayn ku yahay jiritaanka NATO, ayaa haddana fahamka isbarbar dhiggan waxaa ku jira xaqiiqda ah in haddii dagaal toos ah uu dhax maro NATO iyo Ruushka, ujeedada Moskow aysan ahaan doonin qabsashada dhul ballaaran, balse ay noqon doonto burburinta midnimada iyo awoodda isbahaysiga NATO. Kirimiliinka ayaana aaminsan in uu awoodda NATO ku kala dhantaali karo, inuu  cadaadisyo milatari iyo mid siyaasadeed uu saaro wadamada xilfiga ku ah, iyada oo aan la qaadin dagaal toos ah ama la qabsan caasimaadaha waawayn ee Yurub, sida Baarliin.

Si ka duwan hadal-heynta dagaal ee ay faafinayaan warbaahinta Ruushka, qoraaga Maqaalku wuxuu xusay, in madaxda siyaasadeed iyo kuwa milatari ee Moskow ay si dhab ah u fahansan yihiin, in Ruushku uu ku guul-darraysan karo dagaal milatari oo toos ah oo uu la galo NATO, xitaa haddii Mareykanku aanu si toos ah u faragelin. Sidaas darteed, halkii uu geli lahaa dagaal ballaaran, Ruushku wuxuu diiradda saari doonaa inuu wiiqo midnimada iyo go’aanka isbahaysiga, isagoo isku dayaya inuu jabiyo rabitaanka NATO.

Sida uu aamisan yahay qoraaga maqaalka lagu daabacay majalladan, haddii Ruushku uu weerar ku qaado NATO, ujeedadiisu ma ahaan doonto burburinta awoodda guud ee isbahaysiga ee dhinaca dagaalka, balse wuxuu diiradda saari doonaa olole milatari oo kooban oo aad u xooggan, kaas oo si gaar ah loogu talagalay in lagu kala jabiyo midnimada iyo wadajirka siyaasadeed ee NATO. Qorshahan ayaa ka tarjumaya istiraatiijiyad ku dhisan in khilaaf iyo kalsooni darro laga dhex abuuro xubnaha isbahaysiga.

Halkaan ka Degso Warbixinta Ruushka iyo NATO

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.