Tuesday, April 8, 2025
HomeAll NewsSidee Yurub u Maareyneysaa Xaaladeeda Inta uu Trump Joogo Aqalka Cad?

Sidee Yurub u Maareyneysaa Xaaladeeda Inta uu Trump Joogo Aqalka Cad?

Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa noqday mid banaanka keenay tafaraaruqa iyo kala fogaanshaha sii kordhaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo dawladaha Yurub, arrintan ayaa noqotay calaamad muujinaysa burburka dhinaca diblumasiyada ee soo kala dhex galay madaxda dawladaha reer galbeedka, kuwaas oo sannado badan ahaa gaanshaan buur dagaal kula jirta Islaamka iyo awoodaha bariga sida Sofiyetiga.

Xili uu Donal Trump aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka uu kula kulamayay Madaxwaynaha Yukrayn Zelensky ayuu Trump wuxuu si jees-jees leh u muujiyay sida uu uga xun yahay diidmada uu madaxweynaha Ukraine kagasoo hor jeestay xabbad-joojin la dhex dhigo isaga iyo Ruushka, taas oo uu Maraykanku ku doonayay inuu ku badasho macdanta qaaliga ah ee uu dalkiisu qaniga ku yahay.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay madaxweynaha Ukraine Zelensky dhamaadkii bishii Febraayo wuxuu sheegay, in Kyiv ay dhibaato ku jirto maadaama aysan ku guuleysan dagaalka, askarteeduna aysan awood u lahayn in ay is difaacaan, Waxa uu xasuusiyay Zelensky in aanu awood u lahayn in uu ku dhawaaqo shuruudaha ay Washington doonayso, maadaama dhammaan awoodiisa ay ku xiran tahay taageerada Maraykanka.

Kulankaan kaddib, ayuu Trump wuxuu si cad u sheegay, in Zelesenky ay soo dhaweynayaan haddii uu diyaar u yahay nabad iyo xabbad joojin uu ku ogalaanayo soo jeedintii Maraykanka ee Macdanta dalkiisa.

Dhacdadan ma ahayn mid ka qarsoon indhaha reer Yurub, waxayna walwal ku abuurtay dhamaan dalalka Yurub, iyadoo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu isku dayay inuu jawaabo ka bixiyo arrintan, maadaama uu sheegtay inuu yahay madaxweynaha kaliya ee aan hadda ka gabban siyaasadaha aan ka fiirsiga lahayn ee Trump.

Macron  ayaa ka hadlay khilaafkan, isagoo sheegay in Ruushku uu yahay cida gardarada wada, halka Ukraine ay tahay dhibane dalkeeda xoog lagu haysto, waxa uu sidoo kale sheegay in ay mudan tahay in loo mahad celiyo ciidamada Yukrayn maadaama ay hor taagan yihiin qulqulka ciidamada Ruushka ee kusoo wajahan guud ahaan qaaradda Yurub.

Trump ayaan isna dhankiisa qarsan colaada uu uqabo dawladaha reer Yurub, wuxuuna marar badan banaanka layimi hadalo uu ku dhaleecaynayo siyaasada midowga Yurub, ka hor inta uusan bilaabin ol-olihiisii doorashada, taas oo hor dhac u ahayd in uu Trump weerar diblumasiyadeed ku qaadi doono Yurub marka uu kursiga kusoo laabto.

Shirkii kooxaha siyaasadda Yurub ee qabsoomay sanadkii hore ayaa ahaa kulankii ugu horeeyay ee ay iskugu yimaadaan dawladaha reer Yurub, kaas oo ay ku muujinayeen cabsida ay ka qabaan arrintan, waxaana shirkaas ka hadalay  Macron isaga oo carabka ku adkeeyay baahida dadka reer Yurub ay u qabaan in ay si dhab ah u qaataan masuuliyadooda amniga gudaha, kana madax banaanaadaan ballanqaadyada Mareykanka iyo isbeddellada lama filaanka ah.

Wareysi uu siiyey wargeyska The Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska iyo wargeys kale oo laga leeyahay Jarmalka bishii Janaayo 2017-kii, Donald Trump waxa uu sheegay hadallo muran badan dhaliyey, kuwaas oo uu ku bartilmaameedsaday dawladaha Yurub iyo gaashaan-buurta NATO.

Waxaa kale oo uu sheegay, in Angela Merkel, hogaamiyihii hore ee Jarmalku ay samaysay khalad masiibo, kaas oo ahaa inay Yurub kusoo dhawaysay dad badan oo soo galooti ah, kaddib markii ay xadka u furtay dadkii ka soo cararayay dagaalada ka socday bariga dhexe. Waxaa kale oo uu sheegay in Jarmalku uu dhaqaale badan ku bixiyay sidii Suuriya looga samayn lahaa goobo ka caagan duullimaadyada si shacabka Suuriya looga ilaaliyo duqeymaha.

Weerarka Trump intaa kuma ekayn, balse Wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftay in Midowga Yurub oo dhami uu yahay qalab uu Jarmalku leeyahay, taasina ay tahay sababta uu u taageeray go’aanka Britain ay uga baxayso Midowga Yurub. Isla waraysigaas, Trump waxa uu ku cadeeyay inuu aaminsanaa in ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub ay maslaxo ugu jirto boqortooyada Ingriiska.

Hadalka Trump ayaa si aad ah uga duwan kalmad uu horey u jeediyay Barack Obama, taas oo uu ku sheegay, in Britain ay ku qasban tahay inay aqbasho dib u dhaca ay lakulmi doonto haday ka baxdo Midowga Yurub, Trump ayaa aaminsan in Midowga Yurub uu qarka u saaran yahay inuu burburo sababo la xiriira dagaalka haatan ka furan Yukrayn.

Halkan kala deg Warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.