Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsSideen ufahmikarnaa Isbaheysiga Ka Dhaxeeya Maamulka Yahuudda iyo Hindiya.?

Sideen ufahmikarnaa Isbaheysiga Ka Dhaxeeya Maamulka Yahuudda iyo Hindiya.?

Toddobaadyadii ugu horreeyay ee uu socday dagaalka u dhaxeeya Muqaawamada Falastiiniyiinta iyo ciidmada Yahuudda, ayaa waxaa bulshada Yahuudda soo food saartay cabsi daran oo ay intooda badani isku dayeen inay iskaga baxaan guud ahaan dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato ee Falastiin.

Dhanka kale, waxaa dalka Hindiya oo qiyaas ahaan Falastiin ka fog wax kabadan 4 Kun oo Kiiloomitir ka socday muuqaal ka duwan kan Talaviv,  dhacdadan ayaa ahayd in dadka Hindida ah ay safaf dhaadheer u galeen safaarada Yahuuddu ay ku lahayd dalkaas, kuwaas oo doonayay inay ka qayb qaataan xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Marainka Qaza.

Boqolaal Hindi ah ayay u suuragashay inay soo gaaraan dhulka Yahuuddu gumaysiga ku haysato ee Falastiin, kuwaas oo ka qayb qaatay dagaalada marinka Qaza, waxaana la xaqiijiyay in qaar kamida Hindidaas ay ku dhinteen dagaalada, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday wargayska India Today, isagoo sheegay  in ugu yaraan 400 oo Hindi ah ay si mutadawacnimo ah uga barbar dagaalameen ciidamada Yahuudda eek u sugan jiida hore ee dagaalka.

Inta badan Hindida Sahyuuniyadda aaminsan ayaa ka tirsan qabiil gaar ah oo loo yaqaan Bnei Menashe, oo ah bulsho ku nool waqooyi bari dalka Hindiya, gaar ahaan gobollada Mizoram iyo Manipur.

Qabiilkan ayaa aaminsan in asalkoodu uu kasoo jeedo mid ka mid ah tobankii qabiil ee lumay ee reer Banii-Israa’iil, kuwaas oo ay masaafurisay Boqortooyadii Assyria in ka badan 2,700 oo sano ka hor, sidaas darteed sannadihii la soo dhaafay, illaa 5 Kun oo ka tirsan qabiilkan ayaa u soo haajiray dhulka ay Yahuuddu haatan gumaysato, halka tiro intaas la’egna ay kutala jiraan inay gaaraan dhulkaas, ayagoo doonaya inay qayb ka noqdaan dagaalka ka socda guud ahaan Falastiin.

Halkan kala deg Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.