Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsSiduu Islaamku ku Gaaray Japan Muxuuse Noloshooda Ka Bedelay Markii uu Dhex...

Siduu Islaamku ku Gaaray Japan Muxuuse Noloshooda Ka Bedelay Markii uu Dhex Faafay?[WARBIXIN]

Ibnu Battuta oo ahaa dhulmareen Taariikhyahan ah ayaa socdaal mudo qaatay ku tagay dalka Jabbaan, safar dheer oo uu ku maray Badda iyo bariga waxa uu ugu damabayntii ka degay mid ka mid ah dekedaha dalkaas, isagoo la kulmay boqoradii xiligaas ka talinaysay Jabbaan, taas oo ku hadli jirtay afka Turkiga.

Boqoradan ayaa uga warbixisay Ibnu Battuta dagaalladii isdaba jooga ahaa ee dhex maray boqoradii ka talin jiray Dawaalis iyo Shiinaha, kuwaas oo ay guushu ku raacday dadkii kasoo jeeday Dawaalis. Dhammaan tafaasiishaas ayaa dhalisay dood cilmi balaaran oo ku saabsan dhulkan loo yaqaano Dawaalis. Qaar kamida taariikhyahanadu waxay sheegaan dalkan inuu yahay Jabbaan ama Filibiin, halka qaar kalena ay u arkaan inuu yahay gobolka Champa ee Vietnam, kuwaas oo diinta Islaamka qaatay qarni kaddib xilligii Ibnu Battuta.

Iskudayo badan oo ay sameeyeen taariikhyahanadu wali si sugan looma cadayn dalkan wadanka uu yahay, Taariikhyahanka Abdelhadi Tazi ayaa cilmi-baaris ballaadhan oo uu sameeyay isagoo adeegsanaya tixraacyo kala duwan, wuxuu sheegay in dhulkan uu Yahay dalka Jabbaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Abdelhadi Tazi, Allah ha u-naxariistee, waxa uu soo hadal qaaday kulan dhex maray Wasiirka Marooko iyo dhiggiisa Jabbaan, waxaana uu Wasiirka Jabbaan ku soo dhaweeyey dhigiisa Marooko dalkaas,  isagoo yiri: Ku soo dhawoow wasiir dalkeena, kaddib booqashadii Ibnu Battuta uu horay ugu yimi dalkan Jabban.

Taariikhyahanada sheega in Dawaalis ay tahay dalka Jabbaan, waxay dooddooda ku saleeyeen in colaaddii Dawaalis iyo Shiinuhu ay dhacday kahor wakhtiga uu Ibnu Battuuta uu gaaray dalkaas. Jabbaan ayaana dhankeeda sheegata isku dhacyo iyo xafiiltano ay la gashay Shiinaha ku dhawaad ​​afartan sano kahor booqashadii Ibnu Battuta, taas oo cadaynaysa in dhulkan uu Yahay halka haatan loo yaqaano Jabbaan.

Halkaan ka Degso Warbixinta Japan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.