Shabakadda Mareykanka ee Mondoweiss ayaa faafisay warbixinno qarsoomay oo ay 23-kii Diseembar faafisay “Shabakadda Nidaamyada Digniinta deg-degga ah ee Macluusha” oo ah hay’ad madax-bannaan oo ay maalgaliso dowladda Mareykanka, taas oo ku saabsan filashooyinka ay ka qabaan macluusha xun ee ka taagan waqooyiga go’doonsan ee Marinka Qaza.
Shabakadda ayaa warbixinteeda ku sheegtay, in Cusboonaysiintan ay si degdeg ah u luntay kadib markii danjiraha Maraykanka ufadhiya dhulka ay Yahuudda gumaysato uu dhaleeceeyey tirada dadka ee warbixinta lagu daray, iyadoo loo cuskanayo awaamiirta ay soo saartay dawladda Maraykanka.