Shabkada CNN oo soo xiganeysa saraakiil Amaarikaan ah ayaa daaha ka qaaday, in Mareykanku uu dhowaan helay xog sirdoon oo muujineysa in Yahuudda ay isku diyaarineyso inay weerarto xarumaha barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, xilli maamulka madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam uu doonayo inuu heshiis cusub oo Nukliyeer ah la gaaro Tehraan.
Shabakaddan Ameerikaan ah oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah ayaa sheegtay, in Yahuudda aysan awood u lahayn inay burburiso barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, iyadoo aan kaalma ka haysanin dowladda Maraykanka.
Isagoo su’aashaasi ka jawaabayo ayuu Sarkaal sare oo Ameerikaan ah u sheegay CNN, in Washiton ay sii xoojinayso dadaalkeeda ku aaddan ururinta xogaha sirta ah si ay u caawiso haddii hoggaamiyeyaasha kayyaanka Yahuudda ay go’aansadaan inay weerar qaadaan.
Sida laga soo xigtay saraakiil Ameerikaan ah, go’aanka Yahuudda ee ah inay weerar ku qaaddo barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan waxa uu u badan yahay inuu ku xIiraan yahay aragtideeda ku aaddan wadahadallada Washitoon ay la leedahay Tehran.
Xaaladdan oo kale, CNN oo soo xigatay ilo kayyaanka Yahuudda ka tirsan ayaa sheegtay, in Yahuudda ay diyaar u tahay in ay qaado tillaabo milatari kaligeed haddii Washitoon ay la gasho Iiraan waxa ay ugu yeereen heshiis xun.
Si kastaba ha ahaatee, CNN oo soo xiganaysa ilo Ameerikaan ah ayaa sheegtay, in laga yaabo in Washitoon ay ku gacan siiso Yahuudda weerarkan ka dhanka ah Iiraan, haddii ay dhacdo waxa ay ugu yeertay daandaansi weyn oo ay waddo Tehraan.